Sawir-shaashadeed • Faahfaahin • Waxqabadka • Kushubida iyo cusboonaysiinta • Kusoo Kordhin • Ugu Deeq • Laysinka
Website-ka • Maqaalada • Su'aalaha Aalaa La-iswaydiiyo • Warbaahinta
Ku akhri luuqad kale: English, Español, हिन्दी, 한국어, Soomaali, Português Brasil, Polski, 日本語, Română, Türkçe, 正體中文.
DIGNIIN: MIDKAN, NOOCA APP-KA EE HADDA WALI TIJAABO AYUU KU JIRAA, SIDAA DARTEED CILLADO AYAAD LA KULMI KARTAA. HADAAD LA KULANTO, KA FUR ARIN SHARAXAYA QAYBTANADA ARRIMAHA EE GITHUB-KA.
NEWPIPE AMA KUWA KU SALAYSAN IN PLAYSTORE-KA LA GALIYO WAXAY KA HOR IMANAYSAA SHARCIGA IYO SHURUUDAHA AY LEEYIHIIN.
NewPipe ma isticmalo nidaamka wada shaqaynta Google, ama API-ga YouTube. Kaliya website-yada ayaa la furaa si xogta loo baahanyahay loogala soo dhex baxo, App-kan waxaa lagu isticmaali karaa aaladaha aysa ku jirin Adeegyada Google. Sidoo kale, uma baahnid akoon YouTube ah si aad u isticmaasho NewPipe, kaasoo ah barnaamij bilaash ah.
NewPipe wuxuu taageeraa adeegyo badan. warqadan ayaa si faahfaahsan u sharaxaysa sida adeeg cusub loogu soo dari lahaa iyo kala fur-furaha. Fadlan nala soo xidhiidh hadaad rabto inaad mid cusub kusoo darto. Adeegyada aan hadda taageero waxaa kamid ah:
Marka koodhka NewPipe isbadal ku dhaco (wax cusub oo lagusoo kordhiyay ama cilad bixin), ugu dambayn waxaa lasii daayaa mid cusub (Siidayn). Siidaynta qaabkeedu waa x.xx.x . Si aad midka cusub u hesho, waxaad samayn kartaa:
Waxaan usoojeedinaynaa isticmaaalka qaabka 2 dadka badankood. APK-yada loogu shubo qaabka 2 ama 3 way isqaadan karaan, laakiin isma qaadan karaan kuwa loogu shubay qaabka 4. Sababtuna waxaa weeye furaha sixiixa oo iskumid ah (kaanaga weeye) oo loo isticmaalay 2 iyo 3, laakiin furo sixiixeed ka duwan (midka F-Droid) oo loo isticmaalay 4. Dhisida APK ayadoo la isticmaalayo qaabka 1 waxay gabi ahaanba ka reebtaa wax fure ah. Furayaasha sixiixa waxay xaqiijiyaan in isticmaalaha aan lagu khaldin inuu ku shubto cusboonaysiin khalad ah (wax lasoo dhexraaciyay) app-ka.
Waxaa kale, hadaad rabto inaad tixraacayada kala badasho sabab jirta awgeed (tusaale shaqaynta aasaasiga ah ee NewPipe ayaa khalkhashay F-Droid-na wali cusboonysiin ma hayo), waxaan soojeedinaynaa isticmaalka qaabkan:
Hadaad hayso fikrado; rogid, qaab badal, nadiifin koodh, ama koodhka ood si wayn wax oga badashaa—caawinta marwalba waa lasoo dhawaynayaa. Waxbadan hadii la qabto waxbadan ayaa fiicnaan!
Hadaad jeceshahay inaad qayb ka noqoto, fiiri ogaysiisyada kusoo kordhinta.
Hadaad jeceshahay NewPipe waan ku faraxsanaan lahayn deeq. Waxaad soo diri kartaa bitcoin ama sidoo kale waxaad deeqda kusoo diri kartaa xaga Bountysource ama Liberapay. Faahfaahin dheeraad ah oo kusaabsan ugu deeqida NewPipe, fadlan booqo website-kanaga.
![]() |
16A9J59ahMRqkLSZjhYj33n9j3fMztFxnh | |
![]() |
||
![]() |
Mashruuca NewPipe waxay ujeedadiisu tahay inuu bixiyo wax kuu gaar ah, oo adoon shaqsi ahaan laguu aqoonsan aad isticmaasho website-yada wax laga daawado/dhagaysto. Sidaa darteed, app-ku wax xog ah ma uruuriyo fasaxaaga la’aantii. Siyaasada Sirdhawrka NewPipe ayaa si faahfaahsan u sharaxda waxii xog ah ee la diro markaad cillad wariso, ama aad bogganaga faallo ka dhiibato. Warqada waxaad ka heli kartaa halkan.
NewPipe waa barnaamij bilaash ah oon lahayn xuquuqda daabacaada: Waad isticmaali kartaa, waad wadaagi kartaa waadna hormarin kartaa hadaad rabto. Gaar ahaan waad sii daabici kartaa ama wax baad ka badali kartaa ayadoo la raacayo shuruudaha sharciga guud ee GNU sida ay soosaareen Ururka Barnaamijyada Bilaashka ah, soosaarista 3aad ee laysinka, ama (hadaad doonto) nooc walba oo kasii dambeeyay laysinkii 3aad.